Tuesday, January 23rd, 2018

XASAASI; Xiisada Khaliijka: Dowlada Qatar oo Kiis Dacwo ah ka Gudbisay Imaaraadka

Dowladda Qadar ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka dowladda Imaaraadka Carabta ay gashay hawada dalka Qadar oo ay ku jirtay muddo hal daqiiqo ah.

Danjiradda Dowladda Qadar u fadhida Qaramada Midoobey Caaliya Axmed Bin Sayf Al-Thani ayaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegtay in diyaaradda dagaalka Imaaraadka ay 21kii December 2017 gashay Hawada dalka Qadar iyada oo ku haadday masaafo hawada Qadar ka sarreysa 33,000 oo fiit.

Dowladda Qadar waxaa ay ku hanjabtay in haddii uu soo laabto gefka ka dhanka ah Madaxbanaanideeda ay u qaadan doonto dagaal toos ah islamarkaana ay ka jawaabi doonto.

Dowladaha Sucuudiga,Masar,Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa go’doomin cir,dhul iyo Bad ah ku rogay Dalka Qadar kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto Argagixisada sidoo kalena ay faro gelin ku heyso arrimaha gudaha dalkaas.

caalamkanews.com

Mogadishu- Somalia

caaqilinho@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..