Tuesday, January 23rd, 2018

XOG: Itoobiya oo hub culus oo looga cabsanayay iney gacanta u galaan 3-Urur gacanta ku dhigay

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay daraasiin Hub ah oo sharci darro lagu gelinayay dalkaas,islamarkaana ay ku tuhmeyso in la damacsanaa in wax lagu yeelo amniga dalka Itoobiya.

Wasiirka difaaca Dalka Itoobiya Siraj Fegesa,ayaa sheegay in Ciidamada amaanka dalka Itoobiya ay gacanta ku dhigeen 270 AK , 200, Bastooladood iyo 66,000 oo Rasaas ah.

Dowladda waxaa ay sheegtay in Hubkaas loo waday in lagu sii huriyo colaadda Oromada iyo AMxaarada kala dhaxeysa Dowladda dhexe ee Federaalka ah.

Itoobiya waxaa dalkaas ku rogtay 10 bilood oo xaalad deg deg ah taas oo billaabatay bishii August ee 2017kii,waxaana ay ku sheegtay in ay ku joojineysay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Federaalka ah.

Dowladdu ma sheegin in hubkan oo qarsoodi ahaa ay dad u soo qabatay iyo in kale sidoo kale ma aysan sheegin goobta lagu qabtay Hubkaas.

Dowladda Itoobiya marka laga reebo qowmiyadaha dibadbaxyada dhigaya waxaa ay dagaal kula jirtaa Ururro asal aahan salka ku haya Qowmiyayadaha hayeeshee leh ajende Siyaasadeed waxaana ugu caansan OLF,OLNF iyo G7.

caalamkanews.com

Mogadishu- Somalia

caaqilinho@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..