Tuesday, January 23rd, 2018

Xog: Dakhliga Sanadlaha Ee NISA Oo La Kordhinayo & Sabab Wax ka [Ogow]

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa usheegay caalamka  Online, in Dakhliga sanadlaha ah ee Hay’adda Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, in la kordhin doono sanadkaan 2018

Sababta loo kordhinayo ayaa waxaa loogu sheegay Xogfidis Online, inay tahay in la doonayo in la xoojiyo Sirdoonka dalka, islamarkaana waxaa la shaqaaleysiin doonaa dhalinyaro badan oo Basaasiin noqon doono.

NISA oo todobaadkan udabaaldegtey 48 sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasey ayaa waxa ay leedahay 2,000 oo ciidamo gaar ah, Wakiilo iyo shaqaalo kale, kuwaasoo dowlada Federaalka u diiwaan gishan

Sidoo kale, Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ayaa waxa aysan lahayn Agaasimaha ugu sareeya tan iyo bishii October ee sanadkii hore, markaas Madaxweynaha Soomaaliya, uu ka ceeriyey shaqadaas Sanbaloolshe

Afartii masuul ee ugu dambeysay ee xilka ugu sareeya ee NISA heysay ayaa lagu kala magacaabaa: Abdullahi Mohamed Ali Sanbalolshe, Gen Abdirahman Mohamed Turyare, Gen Abdullahi Gaafow iyo Gen Bashir [Gobe].

Dhamaan xubnahaan ayaa waxay hada ay ku sugan yihiin Muqdiho, waxayna ka qeyb galeen Xafladii ka dhacdey todobaadkan Magaalada Muqdisho, taasoo loogu xusayey 48 sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasey NISA.

Abdulkadir Mohamed Nur, oo ah Agaasime ku xigeenka NISA, ayaa waxay wuxuu yahay mid hada gacanta ku haya shaqadda Hay’adda isagoona si KMG ah, usii haya Xilka uu baneeyey Sanbalooshe.

Abdulkadir ayaa wuxuu soo ahaa sidoo kale, Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, waxaana sidoo kale, uu mid ahaa Dhalinyaradii kasoo baxdey Al Shabaab, dowladii Xasan Sheekh Maxamuud.

caalamkanews.com

Mogadishu- Somalia

caaqilinho@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..