Tuesday, January 23rd, 2018

Al-Shabaab oo gaari dhismo siday & dadkii saarnaa ka Afduubtay degmada…………………..

Ururka Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa iney afduub ka geysteen degmada Baar dheere ee Gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa degmadaasi Afduubtay Illaa 3 gaari oo siday qalab dhismo iyo dadkii la socday, kuwaas oo la sheegay in ay ka shaqeynayeen dhismaha Garoon ku yaalla magaaladaasi Baardheere.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Al Shabaab dadkaasi ay u ka xeysteen dhanka deegaanka Shangolo oo u dhow degmada Baardheere ee G/ Gedo.

Illaa iyo hada ma jiro wax faah faahin ah oo uu Maamulka Gobolkaasi Gedo ka bixiyay Afduubkaasi.

 

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

caalamkanews.com

Mogadishu- Somalia

caaqilinho@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..