Tuesday, January 23rd, 2018

XOG; Xiriirki Jaceyl Ee Dhexmaray Xidigaha Kala Ah Akshay Kumar Iyo Raveena Tandon Iyo Sida Uu Ku Dhamaaday(+Sawiro)

Super Akshay Kumar iyo Atirishada quruxda badan ee Raveena Tandon waxay kamid ahayen xidigaha ugu caansana 90-kii ayagoo aflaam dhowr ahna isla sameyeen.

90-kii jaceylkii ugu saameynta badnaa wuxuu ka dhex dhashay Akki iyo xidigtiisa aan ka harin Raveena Tandon.

Raveena ayaa xili dambe saxaafada u sheegtay inay Akshay si qarsoodi ah u guursatay sidoo kalena uu ka codsaday shaqada filim jilista inay joojiso si ay marwadiisa la wada og yahay u noqoto.

Markii Raveena aqbashay dalabkii Akki waxay ogaatay xidigaan inaysan wax walbo dhab ka ahayn sidoo kalena naago kale ku dul wado sida Rekha iyo kuwo kale.

Raveena kalsooni daro ayaa ku dhacday waxayna go’aan ku gaartay inay ka baxdo noloshii Akki ee uu ku cayaari jiray danihiisana ka raacan jiray

caalamkanews.com

Mogadishu- Somalia

caaqilinho@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..