Tuesday, January 23rd, 2018

Rasmi: filimka Agnyaathavaasi lacagaha uu maalintiisa kowaad keenay Baahubali kaliya ayaa ka bilaabasho wanaagsan!

caadi ahayn ayuu sameeyay Power Star Pawan Kalyan madaama filimkiisa Agnyaathavaasi si waali ah u gadmay maalintiisa kowaad ayadoon wax fasax ah jirin!

Agnyaathavaasi wuxuu keenay 60.50 Crore maalintiisa kowaad isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka waana filimka ugu bilaabasho wanaagsan kadib Baahubali labadiisa qeybood marka meel la iska dhigo.

Filimka Agnyaathavaasi maalintiisa kowaad saami ahaan waxay kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 39.20 Crore waana lacagtii ugu badneyd hal maalin filim saami ahaan looga helo marka Baahubali meel la iska dhigo!

Shabakada Andhara Boxoffice oo soo daabacday Pawan Kalyan sida uu maalinta kowaad filimkiia ganacsi taariikhi ah suuq walbo kaga sameeyay fadlan hoos kaga bogo:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 37.90 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 26.36 Crore (iskoor cusub oo aan Baahubali ahayn)

USA wuxuu ka keenay 10.80 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 5.94 Crore (iskoor cusub oo aan Baahubali ahayn)

 

Gobolka Karnataka 8 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 5.14 Crore (iskoor cusub oo aan Baahubali ahayn)

Hindiya iyo dunida inteeda kale lacagaha uu ka keenay 3.80 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 1.76 Crore

Wadarta Guud Isku Darka Gudaha Hindiya Iyo Daafaha Caalamka Lacagaha Uu Keenay, 60.50 Crore, Saamiga Guud Ee Laga Helay Maalinta Kowaad 39.20 Crore.

Iskoorada Uu Filimka Agnyaathavaasi Soo Kordhiyay:

Waa filimka labaad ee lacagaha ugu badan dhul weynaha Telugu kasoo xareeyo maalinta kowaad kadib Baahubali 2.

Waa filimka sedexaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka Telugu ah kadib Baahubali 2 iyo Baahubali 2.

Waa filimka afaraad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka oo ay Koonfur Hindiya sameeyaan maalinta kowaad waxaa ka bilaabasho wanaagsan Baahubali 2, Kabali iyo Baahubal

caalamkanews.com

Mogadishu- Somalia

caaqilinho@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

QORMOOYIN XIISA LEH
Wararkii Hore..